Qalliinka hooyada uurka leh (cesarean section)

Waa qalliin loo sameeyo hooyada si loo kala badbaadiyo hooyada iyo ilmaheeda marka ay soo wajahdo xaalado kaduwan tii normal-ka ahyd, wuxuuna ku imaankara hooyo ugub ah iyo mid dhashayba isla markaana ma ahan wax lagula dagaalamo taranka aadanaha.

Haddaba goorma ayaa hooyada lagula taliyaa qaliniin si nafteeda iyo tan ilmuhuba u badbaadaan ?

Qalinka hooyada uurka leh wuxuu ku imaan kara xaalado la xiriira dhinaca hooyada, si lamidana wuxu ka imaan kara dhinaca ilmaha

xaaladaha dhinaca hooyada laxiriirta waxa kamida:-

· In hooyadu uu kuso boodo dhiig-karka yimaada xilliga uurka sida kalamsiyaha (eclampsia).

· In miskaha hooyadu yaryihiin islamarkaana aysan awood ulahayn ilmuhu inuu si nabad ku dhasho (cephalopelvic disproportion)

· hooyada oo qalliino horey loogu sameeyay amaba uu dhawaa qalliinkii udambeeyay.

· ibida hooyada oo hoos soo jirta siiba marka ibidu isku goyso gabi ahaanba ilma galeenka afkiisa ama qaar kamida (placenta previa: special complete and marginal placenta previa)

· ibida hooyada oo gidaarka kaso fuqda xilliga foosha (placenta abrupria) iyadoo keenta dhiigbax siyaada.

· xarigga ilmaha oo soo hor baxa (cord prolapse).

· ilma galeenka oo qarxa xilliga foosha (uterine rupture) waana xaalad badana la arko marka hooyada loo sameeyo fool macmal ah( induction and augmentation labor).

· hooyada oo lanool xanuunada infectious disease-ka gaara haan HIV iyo genital herpes simplex virus( HSV) si loo badbaadiyo ilmaha inuu ugudbo gaar ahaan marku soo marayo marinka dhalmada

· hooyada oo ku guul daraysata fooshii dabiiciga ahyd (dysfunctional labor) sida in nabarkii fooshu yaraaday amaba lawaayay taaso ku fail garowday caawintii.

· minka hooyada oo afkiisu lagu arko xanuunka kansarka (cervical Ca) si loo yareeyo khatarta dhiigbaxa.

· hooyada oo ilmaheedi is xig-xigay ku dhashay naqaska oo kudhagan (severely asphyxiated infants)

· ibida hooyada oo qallasha( grade 4 placenta calcified) biyaha ilmuhuna yaraadeen wax nabarana uusan jirin.

Xaaladaha la xiriira dhinaca ilmaha waxa kamida:

· ilmaha oo miisaankiisu ka wayn yahy>4kg waana xaalad lagu arko badana hooyada lanool xanuunka macaanka/sonkorta.

· xaaladda ilmaha oo isbadasha(fetal distress ) sida wadne garaaca imlaha oo daciifa <120bpm ama siyaada >160bpm

· Sida caadiga wadna garaaca ilmaha waxa laga raba inuu udhaxeeyo 120–160 BPM haddii uu si aada uga sare maro ama hoos uga dhaco ilmaha si loo badbaadiyo qalliin buu ubaahanyhy

· mataanaha: badana 2-da baby midkood ayaa qallooca kaas ayaana loo sababeeya in ibidiisu kutaalo hoos waxa habboon in qalliin loo diyaariyo hooyada(placenta previa)

· qallooc ku yimaada ilmaha (malpresentation ).

· madax-kala guurka ku yimaada ilmaha xilliga uu ku jiro caloosha hooyada

( hydrocephalus baby)

Suuxdinta hooyada xiliga qaliinka (Anesthesia for C-section )

Suuxdintu waxa ay noqonkartaa labo qaybood oo kala ah.

Mid guud oo looyaqaano ( general ) iyo mid qayb gaar ah (reginal anaesthesia) sida suuxdinta xangulaha (spinal, epidural or combined spinal and epidural anaesthesia. Taas ayaa la aqbalikara xiliga lagujro C-section.

Qaliinka xiliga dhalmada iyo saamayntiisa( C-section delivery side effects)

Waxa kamid ah

· Caabuqa (infection) caabuqu waxauu halis kuyahay nabarka ama xuubka ilmo-galeenka calaamadaha infekshanka waxa kamid ah casaan (redness,) barar, dheecaan, qandho, iwm

· Cilad katimaada dhanka Suuxdinta

· Dhaawac soo gadha agaa qalinka lagasamayay.

· Dhiigbax waxa lagukantaroolikaraa iyada oo dhiig lagushubo lana joojiyo

Wadamada ugu badan a duunka ee lagasamyo C-sectionka

  • Dominican Republic — 62.9%
  • Turkey — 58.4%
  • Brazil — 56.4%
  • Turks and Caicos Islands — 55.2%
  • South Korea — 53.8%
  • Mexico — 52.6%
  • Sub-Saharan Africa has the lowest C-section rates, with only 5% of births being C-sections

Xigasho:- statista analaysis Read more Here:- https://cumarismail.com

Somalia

Marka la eego Somalia C-sectionka darasad caafimad ee lasamayay sanadkii 2020 waxa la ogaaday in hawenka somaliyeed 2% ay qaliinka galaan.

Booqo website-keena ah :-Read more Here:- https://cumarismail.com

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *