Relief  banned in ethiopia ( dawadan Relief oo laga mamnuucay Ethiopia)

Wakaalada Dabagalka Cunnada iyo Dawooyinka  ee Itoobiya waxay bulshada ugudigeysa daawada sharcidarrada ah ee lagu magacaabo RELIEF (kana kooban  Diclofenac, paracetamol, chlorophyllamine iyo magnesium tricilicate) oo ah dhowr kaar jebiya oo la’iskudaray

Maadaama aysan  si sharci ah ugu diwaan-galsaneyn Dalka , tayadeeda  iyo badqabkeeda lama yaqaan.

Intaa waxaa dheer daawadani in ay keento dhibaatoyinka badan oo ay kamid yihiin:

cunto xumo, shuban, calool xanuun, xusuus xumo, hurdo la’aan, daal, cillad aragga, madax-xanuun, finan maqaarka ah, korodhka enzymes beerka iyo dhaawaca kelyaha marka la’isticmaalo  waqti dheer.

Daraasadyadu waxay muujiyeen in isticmaalka muddada dheer ee dawadan ay kordhin karto fursadaha xanuunada beerka ee daran, dhaawaca kelyaha, wadna xanuunka iyo faalug.

Haddaba, waxaanu bulshada ka codsanaynaa inay ka digtoonadan isticmaalka dawadan.

Haddii aad lakulanto goob lagu iibanayoDaawadani fadlan wac lambarka bilaashka ah ee 8482 oo lawadaag Wakaalada Dawooyinka iyo Cunada Itoobiya ama kormeerayaasha caafimaadka halka aad joogto.

Xigasho:- wardher hospital

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *