Cudurka sonkorta/macaan ( Diabetes)
Cudurka macaanka, https://diabetesfreelife.org/ oo sidoo kale loo yaqaan sonkorow ama (diabetes mellitus), waa xanuun joogto ah oo keena heerarka sonkorta dhiigga oo aad u sarreeya.
Xanuunkan waxa uu dhacaa marka insulin-ka, oo ah hormoon uu soo saaro ganaca (pancreas), uu ku filnaan waayo inuu caawiyo in sonkorta loo qaado unugyada jirka, ama marka unugyadu aysan si fiican uga jawaabin insulin-ka.
Waxay u kala baxaan laba nooc oo waaweyn:
Waxaa kallo Jira qaybo kalle sida tan Ku dhacda hooyada urka leh (gastational diabetes)
1. Nooca 1-aad ee sonkorowga (Type 1 Diabetes):
Waxay inta badan ku dhacdaa carruurta iyo dhalinyarada, waxaana keena unugyada difaaca jirka oo burburiya unugyada soo saara insulin-ka.
Dadka qaba noocan waxa ay u baahan yihiin inay qaataan insulin maalin kasta.
2. Nooca 2-aad ee sonkorowga (Type 2 Diabetes):
Waa nooca ugu badan, waxaana uu badanaa ku yimaadaa dadka waaweyn iyo dadka buuran.
Marka hore, jidhku waxa uu soo saaraa insulin laakiin unugyada ayaa si fiican uga jawaabi waaya (resistance to insulin).
Waxa loo maarayn karaa cunto, jimicsi, iyo dawooyin, inkasta oo dadka qaar ay u baahan karaan insulin.
Calaamadaha sonkorowga waxaa ka mid ah:
- Harraad joogto ah{Oon badan}
- Miisaan lumis aan sabab lahayn
- Daal iyo tamar darri
- Aragga oo daciifa
Daaweynta sonkorowga waxay ku xiran tahay nooca iyo heerka uu xanuunku gaaray:-
Waxa kaloo ku lug leh isbeddelada habka cuntada, jimicsiga, dawooyinka afka laga qaato, iyo haddii loo baahdo, cirbadaha insulin. Dadka qaba sonkorowga waxay u baahan yihiin inay si joogto ah u eegaan heerka sonkorta dhiigga si ay u maareeyaan xaaladooda.
Somalida sanadahan danbe wuxuu xanuunkani Ku hayaa faro ba,an
Waxaana sonkorowga Ka dhasha xanuuno khatara oo leh ( complications) sida
- Iney dhaawacdo wadnaha iyo xididada dhiiga
- Inney dhaawacdo indhaha.
- Inney dhaawacdo nerfayasha
- Inney dhaawacdo kelyaha
- Sidoo kale in nabar haduu Ku dhaco qofka uu Bogsan wayo
- Iyo kuwo kallo badan
Xanuunka sonkorta waxa laxusaa sanadkiiba Maalin waxaana looyaqana https://worlddiabetesday.org/ (World diabetes day) oo ah bisha Novembar 14th waxan korlooguqaada wacyigelinta xanuunka iyo Bulshada looga.
#Gunaanad.
- Lasoco caafimadkaga oo tag xarunta kugu dhow sad u ogato heerka sonkorta dhiigaga.
- Ku wacyigelli qarabada/familygaga iyo qofka qaba xannunkan inuu dawada u qaato sisaxa si looga fogado in dhibato Ku keento sonkorowgu..
- hadii family/ ama qoyskaga sida hooyo iyo abbe uu Ku dhacay xanuunkani waxaad usahlan tahay xanuunka macaanka hadaba si joogto ah ula soco heerka sonkorta dhiigaga oo raac talada caafimad ee dhakhtarkaagu Ku siiyo