Dawada Ceftraixone iyo Dadka Soomalida
Dawadan waxa la yidhaa ceftraixone waana midka mid ah dawooyinka lagula dagaalamo bakteeriyada ee la yidhaa lid-noolaha (antibiotic ) si gaara waxay uga tirsan tahay kooxda la yidhaa; cephalosporins iyada oo ka mid ah jiilka seddexaad ee dawooyinkaasi.
Maxaa loo adeegsadaa dawan ?
Dawadan waxa lagula dagaalamaa xanuunada ay keenaan bakteeriyooyinka kala duwan sida : xanuunada ku dhaca maqaarka , Qanjo-xanuunka, infakshanka dhiiga raaca , oofta ama oof-wareenka , majaajiska iwm. Dawadani waa nooca loo yaqaan (broad spuctrum) ku waasi oo lagula dagaalami karo noocyo badan oo bakteeriyooyin ah.
Waxa kale oo isticmala Caabuqyada caloosha dhexdooda,Caabuqa neefsashada ,qoorgooyaha, jabtida
Siday u shaqaysaa dawadani ?
Ceftraixone waa dawooyinka dila bakteeriyada ( bactericidal) iyada oo joojinasa in bakteeriyadu samaysto dahaadh sare. (inhibition of bacterial cell wall synthesis)
Qaab kee loo heli karaa ?
ceftraixone qaabka loo heli karaa waa iyada oo laysku mudayo ( laysku durayo) kana kooban giraamyo kala duwan sida : 250mg , 500mg , 1g , 2g, 10g
Halkee lagu burburiyaa ceftraixone ?
ceftraixone waxa lagu burburiya beerka.
Halkee laga saraaa ceftriaxone ?
Dawadan inta badan waxa laga saaraa kalyaha iyada oo la raacinayo kaadida.
Sidoo kale waxa xadi yar laga saaraa ganaca (bile) iyada oo lagu daro saxarada.
Dawadani wakhti intee leeg bay jidhka ku jiri kartaa ( half life) ?
ceftraixone 5.5 ilaa 11 saac qofka kalyihiisu caafimaad qabaan.
Dawadan sidee loo isticmaalaa ?
Dadka ka wayn 12 jir waxay isticmaali karaan 1g ilaa 2g maalin walba. 4g wax ka badan ma isticmaali karaan maalintii.
Caruurta ka yar 12 jir waxay isticmaali karaa 50mg ilaa 75 mg × kg maalintii. Lama siin karo wax ka badan 2g maalintii.
Maxay saamayn ku yeelan kartaa qofka ?
- Matag
- Yalaalugo (Lalabo)
Yaan isticmaali karin ceftraixone?
- Dadka ku leh xasaasiyada.
- Dad aan kalyahoodu caadi u shaqaynayn.
Hooyada uurlayda ahi ma isticmaali kartaa ?
Haa , hooyada uur layda ahi way isticmaali kartaa.
Dawooinka aan lala qaadankarin waxaa kamid ah:-
- Calcium acetate
- Carbonate calcium
- Calium gluconate
- Calium citrate
- Argatroban
- Fondaprinux
- Talalka daacunka
Soomalida iyo ceftrixone
Dawadan marka lajoogo waxa ay Antibiotic katahay tan loogu isticmalka badanyahay waxayna katimada wadamo badan sida Turkey, india, iwm marka la eego tusaale Turkey, waa tan ugu fiican dhanka tayada ee laqaadankaro bukankuna waxa uu jawaabcelin kudareemaya muddo yar.
Well done
thanks saaxiib